Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jurgen Klopp oo BAXAR ku jira….(Tababaraha Liverpool oo la Ganaaxi karo kulanka Muhiimka ah ee Napoli)

$
0
0

(Europe) 29 Nof 2018. Jurgen Klopp ayaa Baxar ku Jira iyadoona la ganaaxi karo kulanka Muhiimka u ah kooxdiisa ay ku wajihi doonaan Napoli kaddib markii uu dhaleeceeyay garsooraha dhex dhexaadinayay kulankii xalay ay Reds guul darada kala kulantay PSG.

Tababaraha reer Germany ayaa si xun u dhaleeceeyay Garsoore Szymon Marciniak Iyo waliba xiddiga kooxda reer France ee Neymar.

Reds ayaa si ay ugu soo gudubto wareega 16-ka waxaa qasab ku ah inay 1-0 ama 2-0 uga adkaato Napoli.

Yeelkeede, waxaa laga yaabaa inay kulanka Ganaax ku wayso tababaraheeda waa haddii ay UEFA si adag ula tacaalaan hadaladii uu Klopp ka yiri Garsooraha ciyaarta kaddib.

“Garsooruhu wuxuu u baahanyahay inuu diyaar u noqdo kulamada ceynkan oo kale ah wuxuu isna u muuqday mid aan diyaar u ahayn,” Klopp ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib

“Garsooruhu wuxuu weli aaminsan yahay inuu wax kasta sida saxda ah u sameeyay.

Tababaraha reer Polish ayaa lix kaar oo Jaale ah u taagay kooxda Liverpool, Klopp ayaana aaminsan in kooxdiisa lagu tuntay oo laga hiiliyay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles