Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Maxaan la tartannaa Man City Kooxihii kale ayaaba Koobka siinayee!!.”.- Jorgen Klopp oo Quus ka muujiyay Premier League

$
0
0

(England) 02 Dis 2018. Jurgen Klopp ayaa ka dhawaajiyay war u muuqda inuu quus ka soo istaagay ku guuleysiga Premier League kaddib markii uu furka ku tuuray kooxaha Cabsanaya ee dhibcaha u daadinaya Manchester City.

Macalinka Liverpool ayaa sheegay in kooxaha qaar ay aad uga baqanayaan wiilasha Pep Guardiola isagoona sheegay inayba is dhiibayaan inta uusanba kulanku bilaaban.

“Nooma hayaan xushmada ay u hayaan Manchester City oo kale,” Klopp ayaa sidaa hadalkiisa ku bilaabay.

“Marka ay ka hortagayaan Man City, waad daawaneysaa waxaadna ka walaaceysaa waxa ay sameynayaan kooxaha ka soo horjeeda. Usbuuc kadddib innaga ayay naga hor imaanayaan waxayna aaminsan yihiin inay iska keen celin karaan.

“City way mudan tahay midaa, laakiin farqi wayn ayay sameynaysaa midaas maxaa yeelay waa inaan waqti kasta Boqolkiiba Boqol diirada saarno.

Jurgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Waxay taa iminka la micno tahay inaan Xakameyno kulamo badan.

“Waa inaan kubbada ilaashano, gaar ahaan kooxaha ciyaara weerarka rogaal celiska ah ‘counter-attack’.

“Waxaa la arkaa inay sheekadaa is badesho wajiga labaad ee xilli ciyaareedka marka kooxaha kaa soo horjeeda ee jooga halka hoose ee horyaalka ay dhibcaha u baahdaan.

“Laakiin waqti xaadirkaan waa inaan dulqaad muujino.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles