Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Saacadda, Goobta iyo Goorta la ciyaarayo Finalka Supercoppa Italiana ee Juventus vs Milan oo la shaaciyay

$
0
0

(Italy) 05 Dis 2018. Xiriirka kubbada cagta Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in Finalka Supercoppa Italiana ee u dhexeeya Juventus iyo Milan la ciyaari doono 16-ka bisha Janaayo ee sanadka Cusub marka ay saacada UK tilmaameyso 17.30,  dhankeenana 8:30 Habeenimo iyadoona lagu ciyaari doono dalka Sacuudiga.

Bishii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in Finalka lagu ciyaari doono dalka carbeed, inkastoo ay jireen kooxo ka soo horjeeday sida Amnesty International sababo la xiriira Rikoodhka dhanka bani’aadamino ee u yaala dalkaasi iyadoo ay weli iminka taagan tahay sheekada wariye Jamal Khashoggi oo uu Sacuudiga ku dilay Safaarada uu ku leeyahay dalka Turkiga.

Image result for supercoppa italiana 2018

Warbixin rasmi ah uu soo saaray Lega Serie A ayaa lagu xaqiijiyay in nuqulka 31-aad ee .Supercoppa Italiana lagu qaban doono maagalada Jida ee dalka Sacuudi Carabiya gegada  Abdullah Sports City Stadium, maalin arboco ah oo ay bishu ku beegan tahay 19-ka Janaayo 2019, iyadoona kulanka la baasan doono 8:30 dhanka Sacuudiga oo ah 18.30 dhanka Talyaaniga.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles