(England) 22 Dis 2018. Taageerayaasha kooxda Wolves ayaa xalay aad uga carooday xiddigooda qadka dhexe ee Romain Saiss kaddib markii uu Maaliyada waydiistay Maxamed Saalax iyadoo aysan xitaa ciyaartu dhammaan.
Xiddiga reer Morocco oo lagu soo bilaabay kulankii xalay ka dhacay Molineux oo ay Liverpool ku adkaatay 2-da gool ayaa u soo dhawaaday Maxamed Saalax isla markii la kala maray qeybta hore ee Ciyaarta isagoona waydiistay Maaliyadiisa.
Saalax ayaa dhaliyay goolka koowaad ee kulanka wuxuuna la wareegay hogaanka gool dhalinta Premier League 11-gool.
Waxaa la sheegay in xiddiga reer Masar uu Romain Sais u sheegay inuu maaliyada siinayo marka ay gudaha galaan oo ay garoonka ka baxaan.
Taageerayaasha Wolves oo aad uga carooday falkaan ayaa baraha bulshada si xun ugu soo weeraray Romain Sais.
Midbaa soo qoray: Maxaa sidoo kale u waydiisan waysay Saxiix iyo inaad Sawir la gasho.”.
Ku kalaa yiri: “Macquul ma aha, ma ciyaaryahan Wolves ka tirsan ayaa maaliyada waydiistay Maxamed Saalax markii ay garoonka ka sii baxayeen qeybta hore.”.
Gool FM.