(London) 22 Dis 2018. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sameeyay wax ay sameyn waayeen ciyaartoyda hadda ee Arsenal iyo ciyaartoydii hore kaddib labadii gool uu galabta ka dhaliyay naadiga Burnley ciyaartii ay 3-1 uga adkaadeen.
Labada gool ee dhaliyaha reer Gabon ayaa ka dhigan inuu hogaanka gool dhalinta Premier League kala wareegay Maxamed Saalax oo lahaa 11-gool oo wuxuu iminka isagu leeyahay 12-gool.
Laakiin micnahaas oo kaliya ma aysan sameyn labadiisa gool oo waxay kaloo ka dhigan tahay inuu 22-gool dhaliyay 31-kulan uu Arsenal u saftay Premier League waa in 5-gool dheer laacib kasta oo ka tirsan Arsenal oo waxaa ugu soo dhow Thierry Henry oo mudadaas oo kale ku dhaliyay 17-gool.
22 – Pierre-Emerick Aubameyang has scored 22 goals in his 31 Premier League appearances for Arsenal, five more than any other player for the club after 31 games (Thierry Henry next on 17). Superstar. #ARSBUR pic.twitter.com/xkMKerubMz
— OptaJoe (@OptaJoe) December 22, 2018
Gool FM.