Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 24 Dis 2018. Maalmo yar ayaa naga xiga inuu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo albaabada loo balaqi doono 1-da bisha Janaayo iyadoo uuna xirmi doono 31-da.

 Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta suuqa laga furayo ilaa uu ka xirmayo.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda insha’alaah.

Juventus ayaa dooneysa in suuqa xagaaga ay beeca xorta ah kula soo wareegto xiddiga qadka dhexe ee Arsenal iyo xulka Wales Aaron Ramsey 27-jir. (Sky Italia)

Kooxaha Dariska ah ee Inter Milan iyo AC Milan ayaa isaga haray saxiixa Ramsey maxaa yeelay wuxuu doonayaa mushaar dhan 9-milyan sanadkiiba. (Calciomercato)

Laakiin Bayern Munich ayaa weli xiiseynaysa saxiixa laacibkii hore ee Cardiff City. (Daily Mail)

Juventus ayaa xiiseynaysa saxiixa dhaliyaha Manchester United iyo xulka Belgium Romelu Lukaku 25-jir. (Calciomercato)

Arsenal waa inay jabisaa rikoodhkeeda dhanka suuqa kala iibsiga si ay ula soo saxiixato Nicolas Pepe maadaama ay naadiga Lille 72-milyan oo bound ku dooneyso 23-jirka garabka ka ciyaara ee reer Ivory Coast. (Telefoot)

Everton ayaa xiyiraad saari doonta inay bisha Janaayo amaah uga tagaan xiddiga qadka dhexe ee reer Republic of Ireland James McCarthy iyo weeraryahanka reer Senegal Oumar Niasse, labaduba 28-jiro. (Mirror)

Weeraryahankii  hore ee Chelsea Tony Cascarino ayaa ugu baaqay kooxdiisa inay la soo saxiixato dhaliyaha West Ham Marko Arnautovic 29-jir. (Talksport)

Weeraryahanka reer Talyaani ee naadiga Southampton Manolo Gabbiadini, 27-jir ayaa laga doonayaa kooxda Fiorentina ee dalka Talyaaniga. (La Nazione

Fulham ayaa eeganeysa inay u dhaqaaqdo daafaca xulka Croatia iyo kooxda Besiktas Domagoj Vida 29-jir. (Fotomac)

Macallinka Newcastle United Rafael Benitez ayaa doonaya inuu bisha Janaayo la soo wareego xiddig kaga ciyaara garabka. (Chronicle)

Xiddiga reer France ee garabka weerarka kaga ciyaara Bayern Munich Franck Ribery 35-jir ayaa hal sano ku kordhin kara qandaraaskiisa kooxda reer Germany. (Sky, via Goal)

W/DAbdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles