Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Bartilmaameedka Man United waa ku guuleysiga Champions League iyo inay ku dhammeysato 4-ta sare ee Premier League.”-

$
0
0

(Manchester) 24 Dis 2018. Manchester United ayaa shan gool ku adkaatay kulankii ugu horreeyay tan iyo sidii loo ceyriyay Jose Mourinho isla markaana xilka si ku meel gaar ah loogu dhiibay Ole Gunnar Solskjaer.

Red Devils guul ceynkan oo kale ah waxaa ugu dambeysay waagii Sir Alex Ferguson.

Daafaca garabka kaga ciyaara Man United Antonio Valencia ayaa ka dhawaajiyay in kooxdu ay iminka bartilmaameedsaneyso sidii ay u soo gali lahayd afarta sare ee Premier League xilli ay ku jiraan kaalinta 6-aad isla markaana ay sideed dhibcood u jiraan booska afaraad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadafkoodu yahay inay ku guuleystaan Champions League kal ciyaareedkan iyadoo ay jirto inay ku beegan yihiin kooxda PSG wareega 16-ka koobkan.

Antonio Valencia Slavko Vincic Man Utd 2018-19

“Gabi ahaan ma jiro qof isdhiibay oo rajo dhigay. Waad ogtahay waxaa dhiman kala bar kal ciyaareedka sidaa darteed waxaa la isaga baahan yahay uun inaad si adag u shaqeyso, aad dagaalanto isla markaana si fiican u ciyaarto.

“Waan ognahay inaan kooxda ku heysano tayada aan awoodno inaan midaa ku sameyno, waa uun inaan diirada saarnaa u jeedka inaan ka soo qeyb galno afarta sare.

“Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan Champions League ka gaarno halka ugu fog aan gaari karno,- maxaa diidaya inaan Final tagno? Maxaa diidaya inaan isku dayno inaan ku guuleysano koob aan weli qeyb ka nahay?”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles