(London) 24 Dis 2018. Xaalada Dhaawacyada Arsenal ayaa ka sii dartay oo waxaa iminkana la shaaciyay in muddo lix usbuuc ah uu garoomada ka maqnaan doono Henrikh Mkhitaryan.
Waxaa la aaminsan yahay in kubbad qaabeeyaha 29-jirka ah uu soo gaaray jab cagta lugta midig kaddib markii ay kubbada ku dagaalameen Lucas Moura kulankii Carabao Cup ay wada ciyaareen Spurs iyo Gunners arbcadii la soo dhaafay.
Arsenal ayaa waxaa horey dhibaato wayn uga heystay dhanka daafaca oo waxaa ka wada dhaawacnaa Hector Bellerin, Rob Holding, Konstantinos Mavropanos, Nacho Monreal iyo Shkodran Mustafi.
Iminkana waxaa la sheegayaa in kubbad qaabeeyahooda Mkhitaryan uu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Feebaraayo.
Arsenal ayaa Boxing Day la ciyaari doonta Brighton ka hor inta aysan u safrin kooxda Liverpool 29-ka bishan.
Gool FM.