(Engaland) 24 Dis 2018. Liverpool ayaa sare u kac wayn sameysay tan iyo sidii ay ula soo wareegtay daafaca Virgil van Dijk, balse Arsenal ayaa la warinayaa inay iska diiday inay la soo saxiixato daafaca reer Holland waliba lacago raqiis ah 12-milyan.
Reds ayaa kula soo wareegtay Van Dijk adduun dhan 75-milyan oo bound waxaana iminka lagu sheegaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubbada cagta adduunka ee waqtiga casriga ah balse waxaa la warinayaa iminka in Gunners ayaa beri hore beec jaban ku diiday.
Kooxo badan ayaa is dhaafsiyay fursad ay kula soo saxiixan kareen intii uu joogay kooxda Celtic ka hor inta aysan ugu dambeyn gacanta ku soo dhigin Southampton.
Gunners ayaa ka mid ahayd kooxihii is dhaafsiyay fursad ay ku heli kareen mid ka mid ah daafacyada ugu fiican ee waqtigaan. Iyagoona ku diiday sabab ay ku sheegeen inuu ahaa laacib Qaboow oo aan ka bixi karin kubbada waalan ee Premier League.
“Madaxa Wiidada Arsenal Steve Rowley wuxuu aaminsnaa in Van Dijk uu yahay mid aad u qaboow oo aan ka bixi karin kubbada Premier League,” John Collins ayaa sidaa u sheegay beIN Sport.
“Wuxuu leeyahay Xawaare, Awood, dheeli-tirnaan iyo inuu ka qeyb qaato dhaq-dhaqaaqa kooxda wuxuuna sidoo kale ku fiican yahay kubbadaha kore/hawada.
“Yare wuu qabowyahay balse waa ciyaaryahan tayo leh.”.
Gool FM.