Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Man United oo si ARXAN DARRO ah ula dhaqantay Jose Mourinho……(Ma Ogtahay in 5-daqiiqo kaddib markii laga CEYRIYAY kooxda ay…..!!)+SAWIRRO

$
0
0

(Manchester) 25 Dis 2018. Manchester United ayaa Usbuucii tagay kooxda ka ceyrisay Tababare Jose Mourinho kaddib natiijooyin xumo iyo waliba xiriir aad u liita oo kala dhexeeyay ciyaartoyda intooda badan.

Kulan waqti gaaban oo waji ka waji ah oo ka dhacay xerada tababarka Red Devils ee Carrington ayaa Macalinka reer Portugal loogu sheegay in kooxda laga Ceyriyay.

Yeelkeede, waxaa yaab noqotay sida Arxan darrada ah ay Man United durba u nadiifisay xafiiskiisa 5-daqiiqo uun kaddib markii lagu dhawaaqay in la ceyriyay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha kooxda ayaa loo diray inay soo nadiifiyaan xafiiska Mourinho 5-daqiiqo uun kaddib markii albaabka loo tilmaamay.

Alaabaha uu sida gaarka u lahaa Jose, sida Sawirro ku dhaganaa gidaarka xafiiska, Koobab iyo waxyaabo kale ayaa lagu riday Sanduuq ka hor inta aan baabuur lagu daabulin.

Ilo wareed laga helayo Man United ayaa tibaaxaya in kooxda ay ugu dambeyn si arxan darro ah u dhaqantay iyagoona durba ku dhex jiray xafiiska Mourinho daqiiqado yar markii la ceyriyay.

Waxaa ilo wareedka lagu sh   eegay in alaabihiisa oo dhan muddo gaaban gudahood lagu qubay baabuur cad oo lagu daabulay.

Waxaana sidoo kale la sheegay in Jose uu wax yar la hadlay taageerayaasha ka hor inta uusan maalinta intiisa badan ku qaadan xafiiska.

Sidoo kale waxaa daaha laga rogay in Jose Mourinho oo diiday inuu Cashada ciida gaalada uu la cuno kooxda ka hor inta aan la ceyrin.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles