Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 25 Dis 2018. Maalmo yar ayaa naga xiga inuu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo albaabada loo balaqi doono 1-da bisha Janaayo iyadoo uuna xirmi doono 31-da.

 Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta suuqa laga furayo ilaa uu ka xirmayo.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda insha’alaah.

Chelsea iyo AC Milan ayaa la warinayaa inay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan labadooda Weeraryahan ee Alvaro Morata iyo Gonzalo Higuain bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga. (Sport Mediaset)

Tottenham oo qorsheynaysa inay Suuqa Janaayo u dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Rafinha. (Daily Express)

Xiddiga reer France iyo kooxda PSG Adrien Rabiot ayaa go’aansday inuu heshiiska u kordhin kooxdiisa wuxuuna ku sii dhawaanayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro Barcelona. (Telefoot).

Nabil Fekir ee qadka dhexe kaga ciyaara Lyon iy xulka Faransiiska ayaa loo bandhigay kooxda Real Madrid. (Marca)

Roma, Napoli, Alaves, Celta Vigo, Real Betis, Schalke, Marseille iyo West Ham ayaa dhammaan wada doonaya 23-jirka reer Spain ee weerarka kaga ciyaara Barcelona Munir El Haddadi kaa oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo socda.(Mundo Deportivo)

James Rodriguez ayaa la filayay inuu si joogta ah ugu biiri doono Bayern Munich oo uu amaahda ugu joogo, balse Iminka uma badna oo Real Madrid ayaa laacibka reer Colombia ka iibin karta kooxda Juventus. (Don Balon).

Xiisaha ay Barcelona u heyso xiddiga qadka dhexe ee PSG Adrien Rabiot kama dhigna inay iska dhaafeen xiddiga qadka dhexe ee reer Holland iyo kooxda Ajax Frenkie de Jong. (Marca)

Xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil ayaa laga doonayaa dalka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Turkiga gaar ahaan kooxda Istanbul Basaksehir (The Sun)

Daafaca Chelsea marna weerarka kaga ciyaara Victor Moses ayaa lagu wadaa inuu 12-milyan suuqa Janaayo dib ula midoobo Crystal Palace (The Sun)

Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku garbinaya saxiixa weeraryahanka reer England ee kooxda Manchester United Marcus Rashford (Daily Star)

Tababaraha ku meel gaarka ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa eeganaya inuu bisha Janaayo la soo wareego weeraryahanka Bournemouth Josh King iyo waliba daafaca dhexe kooxda FC Porto Eder Militao. (Daily Star)

Waxaa kuu soo ururiyay: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare)

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles