(England) 25 Dis 2018. Xiddiga Liverpool ayaa tababar fudud ku qaatay xeradooda Melwood iyagoo wada dhoola caddeynaya maadaama ay u dabaal degayaan inay ku fadhiyaan hogaanka Premier League fasaxa ciilada gaalada.
Waxaa intaa u dheer inuu dhaawac uga soo laabtay daafacooda da’da yar ee Trent Alexander-Arnold taa oo tamar cusub galin doonta kooxda ku dagaalameysa sidii ay muddo dheer kaddib ugu guuleysan lahayd horyaalka Ingiriiska.
Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Fabinho ayaa ka mid ah xiddigaha sida wayn u dhoola caddeynayay intii ay ku guda jireen tababarka kooxda.
Reds ayaa Boxin Day mininkeeda ku marti galin doonta kooxda Newcastle United ka hor inta aysan la ciyaarin Arsenal.
SAWIRRO:
Gool FM.