(Brazil) 25 Dis 2018. Xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Fernandinho ayaa ka dhaartay inuu mardambe u ciyaaro xulkiisa Brazil.
Sababta uu ku diiday xulkiisa ayaa ah aflagaado iyo hanjabaaydo ay la kulmayeen reerkiisa kaddib markii uu xulka Brazil ka soo haray koobkii adduunka.
33-jirka ayaa ‘DAANYEER’ loogu yeeray kaddib goolkii kama ahaa ‘Own Goal’ uu iska dhaliyay ciyaartii uu xulkiisa guul darada 2-1 kala kulmay xulka Belgium sideed dhammaadkii Koobka Adduunka.
Xaaska Fernandinho Glaucia Roza ayaa waxaa iyana soo gaarayay fariimo fool xun, midbaa xitaa ku yiri in Seygeeda uu isagu wax kasa ku ciyaaray.
Fernandinho kama uusan soo muuqan xulka lagu naaneyso Samba lixdii kulan ee ugu dambeeyay, kuwaa oo ay dhammaan guulo gaareen.
Macalinka xulka Brazil Tite ayaa carabka ku adkeeyay inuu si aad ah u doonayo in Fernandinho uu dib ugu soo laabto xulka si uu ugu daro shaxda kulankooda ugu soo horreeya ee Ruushka.
Tite oo u waramayay Sport TV ayaa yiri:
“Laacibka uu horreeya aan doonayay inaan xulka uga yeero kaddib Koobka Adduunka wuxuu ahaa Fernandino, Number one.
“Waa ciyaaryahan aan innaba caadi ahayn kaa oo inbadan ciyaara.
“Laakiin naceyb ayaa ku dhacay reerkiisa wuxuuna u balan aaday inuusan dib ugu laaban doonin xulka Brazil.
“Waxaan doonayaa inaan si shaqsi ahaan ula hadlo maxaa yeelay xulka Brazil wuu ku faraxsan yahay inuu heysto ciyaaryahan leh sharaftan iyo xirfadlenimadan.”.