Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Liverpool oo ku jirta wada hadalo ay RIKOODH ugu dhigeyso Premier League….(Xitaa Man United ayay ka sara mari doontaa)

$
0
0

(England) 26 Dis 2018. Liverpool ayaa ku jirta wada hadalo ay Rikoodh ugu dhigeyso Premier League taa oo ku aadan xayaysiinta ay maaliyada ku sameyso oo waxay xitaa doonayaan inay ka sara maraan Man United oo ah kooxda ugu qaalisan oo waxay heshiis 75-milyan ah sanadkiiba kula jiraan Adidas.

Qandaraaska maaliyada ay Reds iminka kula jirto New Balance wuxuu dhacayaa dhammaadka kal ciyaareedka 2019-20 waxaana la fahansan yahay inay ku jiraan wada hadalo ay ku kordhinayaan heshiiska.

45-milyan ayay sanadkiiba Liverpool iminka ka qaataan shirkadda reer America waxaana iminka la fahansan yahay in New Balance ay 30-milyan ugu yaraan ku kordhin doonto qandaraaska cusub.

Related image

Tan iyo markii ay Liver heshiiska la gaartay New Balance, waxay kooxdu magacaabatay Jurgen Klopp kaa oo dhisay koox cajiib ah.

Klopp wuxuu hormariyay xiddigo waa wayn sida Maxamed Saalax, Sadio Mane, Roberto Firmino, Alisson iyo Virgil van Dijk, kuwaa oo dhammaan qandaraas waqti dheer ah nafta ugu horray kooxda.

Macallinka reer Germnay ayaa durba iminka kooxda u dhiibay hogaanka Premier League, wuxuuna horey u geeyay Final-ka Champions League, Europe League iyo waliba League Cup.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles