Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxamed Saalax oo GANAAX ku seegi kara kulamada waa Wayn ee Arsenal iyo Manchester City….(Muxuu sameeyay??)+SAWIRRO

$
0
0

(England) 27 Dis 2018. Taageerayaasha Liverpool ayaa wadnaha farta ku haya kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maxamed Saalax uu Ganaax ku seegi karo labada kulan ee waa wayn ee Arsenal iyo Manchester City.

Xiddiga reer Masar ayaa si sahlan dhulka isugu tuuray mar rigoore loo dhigay daqiiqadii 47-aad ciyaartii ay 4-0 uga adkaadeen Newcastle United.

Laacibka sanadkii hore ku guuleystay Kobaha Dahabka ee gool dhalinta Premier League ayaa iminka leh 12-gool xilli ay kooxdiisa lix dhibcood ku heyso hogaanka horyaalka.

Yeelkeede, Guddiga FA-ga dalka Ingiriiska ayaa maanta kulmaya si ay u go’aamiyaan haddii uu Maxamed Saalax khiyaanay garsoore Graham Scott si uu rigoore ugu dhigo.

“Rigoore jilicsan ayaa badeshay wax kasta iminkana waa inaan sharxaad ka bixiyaa sababta afarta gool nalooga dhaliyay,” Tababaraha Newcastle Benitez ayaa sidaa yiri kulanka kaddib.

Haddii uu guddiga FA ee ka kooban Garsoore hore, macalin hore iyo laacib hore ay isku raacaan in Saalax uu si ula kac ah u khiyaamay garsooraha si Rigoore loogu dhigo, intaa kaddib 26-jirka reer Masar waxaa qoorta loo suri doonaa labo kulan oo Ganaax ah.

Reds ayaa marti galin doonta Sabtida kooxda Arsenal ka hor inta aysan u safrin Manchester City.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles