(London) 27 Dis 2018. Eden Hazard ayaa laabta u qaboojiyay taageerayaasha Chelsea kaddib markii uu soo jeediyay in mustaqbalkiisa uu yaalo gegada Stamford Bridge.
Xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay labada gool ay Chelsea uga adkaatay Watford ciyaartii xalay ee ku idlaatay 2-1 taa oo ay Blues dib ugu soo laabatay afarta sare.
Labada Gool ee Hazard ayaa ka dhignaa inuu noqday laacibka 10-aad ee ugu goolasha badan taariikhda Chelsea.
“Wax badan ayay iilo micno tahay, gaar ahaan maadaama aan guuleysanay. boqol iyo koow gool aan kooxdan cajiibka ah u dhaliyay waa wax aan marna ilaawi doonin,” Hazard ayaa sidaa yiri.
“Laakiin iminka waxaan dooneynaa wax intaa ka badan. Waxaan dooneynaa inaan goolal dhaliyo oo aan aniguna goolal badan dhaliyo isla markaana noqdo halyeey sida Frank Lampard, John Terry, Didier Drogba.”
Hazard ayaa loo badelay booska beryahaan oo waxaa laga ciyaarsiinayay False 9, wuxuuna dhaliyay afar gool isagoona sameeyay 2-caawin.
“Waxaan aaminsanahay inaan xitaa ka ciyaari karo daafaca dhexe!
“Diiradeydu waa inaan goolal dhaliyo, sida garab ahaan ama weerar waxaana isku dayayaa inaan sameeyo teyda ugu fiican.
“Dadnimo ayaan muujinay kulankii Man City, Maantana sidoo kale ayaan sameynay.
“Waxaan doonay inaan ka jawaab celino guul daradii Leicester City. Si fiican ayaan sameynay.”.