Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

SHEEKO WAALAN: Maxamed Saalax oo Liverpool ugu GOODIYAY inuu ka tagi doono haddii ay la soo saxiixdaan Laacibkan…(SABABTA ka dambeysa oo ka Farxisay MUSLIMIIN badan)

$
0
0

(England) 27 Dis 2018. Warar dhawaan gal ah oo ka imaanaya dalka Israa’iil ayaa tibaaxaya in Maxamed Saalax uu ugu goodiyay Liverpool inuu ka tagi doono haddii ay la soo wareegaan dhaliyaha Yahuudiga ah ee kooxda Red Bull Salzburg xiddiga lagu magacaabo Moanes Dabour.

Reds ayaa ku raad joogta Dabour balse haddii ay la soo wareegaan waxay waayi doonaan laacibkooda Saalax sida uu warinayo warsidaha Jerusalem Post .

Yeelkeede, ilo wareedyo u dhow laacibka reer Masar ayaa beeniyay sheekadaan iyagoona ka dhawaajiyay in laacibka uu diirada saarayo uun kubbada cagta isla markaana uusan diirada saareyn xiddigaha ay wada hadalada kula jiraan Liverpool iyo Jurgen Klopp si ay ula soo wareegaan marka uu dib u furmo suuqa bisha Janaayo ee nagu soo fooda leh.

Wararkan ay ay baahisay saxaafadda Israa’iil ayaa waxaa qaatay oo si wayn u shaaciyay saxaafada UK, inkastoo ay Jerusalem Post markii dambe warbixinta ka tirtay boggeeda.

Maxamed Saalax ayaa horey u diiday inuu gacan qaado laacib Yahuudi ah 2014 mar ay kooxdiisu FC Basel la ciyaareysay Maccabi Tel Aviv, markaa uu xiriir ba’an ka dhexeeyay Masar iyo Israa’iil.

Related image

In the return leg against the Israeli team, Salah went to the side of the pitch to change his boots during the pre-game handshakes.

Lugtii labaad ee Maccabi Tel Aviv iyo FC Basel Maxamed Saalax ayaa isku boojeeyay kabo xirasho intii ay socotay isgacan qaadista ciyaartoyda oo wuxuu ka dhimanayay inuu gacan qaado laacibka yahuudiga ah.

Debour oo 26-jir ah ayaa kal ciyaareedkan dhaliyay 20-gool isagoona sameeyay lix caawin 30-kulan uu u saftay kooxdiisa Salzburg taa oo keentay inuu soo jiito kooxo badan oo ka dhisan Yurub sida Liverpool.

Sikastaba Liverpool ayaa horey ula soo wareegtay laacibiin Yahuud ah oo ay ka mid ahaayeen Avi Cohen, Ronny Rosenthal iyo  Yossi Benayoun.

Yossi Benayoun v West Ham 300

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles