Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 27 Dis 2018. Maalmo yar ayaa naga xiga inuu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo albaabada loo balaqi doono 1-da bisha Janaayo iyadoo uuna xirmi doono 31-da.

 Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta suuqa laga furayo ilaa uu ka xirmayo.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda insha’alaah.

Real Marid ayaa diyaar u ah inay Chelsea u bandhigto kubbad qaabeeyaheeda reer Spain Isco 26-jir iyo 24-jirka qadka dhexe ee reer Croatia Mateo Kovacic- kaa oo amaah ku jooga Stamford Bridge si ay qeyb uga dhigto heshiiska ay kula soo saxiixaneyso 27-jirka weerarka kaga ciyaara Belgium Eden Hazard. (Onda Cero, via Metro)

Juventus ma iibineyso 28-jirka qadka dhexe reer Brazil Douglas Costa, kaa oo suuqa Janaayo lala xiriirinayo Manchester United iyo Manchester City. (Calciomercato) 

Tababaraha Barcelona Ernesto Valverde weli kooxdiisu kuma wargalin haddii uu qaadan doono dooqa uu ku saxiixayo sanad saddexaad kaa oo qeyb ka ah qandaraaska uu ku joogo Nou Camp.  (Marca)

Atletico Madrid ayaa isku dayaysa in Suuqa Janaayo ay Bayern Munich ka joojiso inay ka  shaqeysiiso lacagaha 80-milyan oo euro ee lagu bur-burin karo qandaraaska daafacooda reer France ee Lucas Hernandez 22-jir.(Marca)

Kooxda reer Turkish ee Besiktas ayaa soo diiday dalab 6.5 milyan oo bound oo kaga yimid West Ham kaa oo looga doonayay xiddigeeda qadka dhexe reer Chile Gary Medel, 31-jir. (Talksport)

31-jirka reer Belgium ee qadka dhexe kaga ciyaara Tottenham Mousa Dembele kaa oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga ayaa bartilmaameed u ah tababaraha Monaco eee Thierry Herny. (Le Sport 10 – in French)

Tababaraha Newcastle United Rafael Benitez ma aaminsana in kooxdiisu ay diyaar u noqon doonto inay saxiixyo sameyso horaanta bisha Janaayo marka uu suuqa furmo. (Chronicle)

Watford ayaa ka cabsi qabta in bisha soo socota ay  PSG ka qaadato xiddigeeda qadka dhexe ee reer France Abdoulaye Doucoure, 25-jir, waxaana la arkaa in badelkiisa ay u dhaqaaqdo 24-jirka qadka dhexe ee naadiga Nice, Adrien Tameze kaa oo  horey u soo maray xulka 18-jirada Faransiiska. (Mail)

Tababaraha naadiga West Brom Darren Moore ayaa ka dhawaajiyay inuusan wax walaac ah ka qabin suuro galnimada xiisaha Janaayo uga imaanaya kooxaha Premier League ee ku aadan weeraryahankiisa reer England Jay Rodriguez, 29-jir. (Times – subscription required).

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles