Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Go’aan laga soo saaray Sheekada Maxamed Saalax….(Miyuu ciyaarayaa kulamada Arsenal iyo Manchester City?)

$
0
0

(England) 27 Dis 2018. Maxamed Saalax ayaa lagu soo eedeeyay inuu qiyaanay garsooraha dhex dhexaadinayay ciyaartii ay Liverpool ka adkaatay Newcastle United si rigoore loogu dhigo, iyadoona la soo jeediyay inuu Ganaax ku seegi karo kulamada waa wayn ee Arsenal iyo Manchester City haddii ay ku caddaato.

Maxamed ayaa iminka ka bad baaday ganaax isla markaana ciyaari doona kulamada Gunners iyo City, maadaama baaritaankii lagu sameeyay lagu ogaaday inuusan wax qiyaano ah sameyn.

Xiddiga reer Masar ayaa si sahlan dhulka isugu tuuray mar rigoore loo dhigay daqiiqadii 47-aad ciyaartii ay 4-0 uga adkaadeen Newcastle United.

Laacibka sanadkii hore ku guuleystay Kobaha Dahabka ee gool dhalinta Premier League ayaa iminka leh 12-gool xilli ay kooxdiisa lix dhibcood ku heyso hogaanka horyaalka.

Yeelkeede, Guddiga FA-ga dalka Ingiriiska oo maanta kulmay ayaa go’aamiyay in Saalax uusan ganaax la kulmi doonin.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles