Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waan ku Faraxsanahay Midakeyga MADOOW.”.- Kalidou Koulibaly oo hadlay kaddib wixii Xalay ka dhacay San Siro

$
0
0

(Italy) 27 Dis 2018. Taageerayaasha Inter Milan ayaa bartilmaameedsaday daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly ciyaartii ay goolka madiga ah xalay uga adkaadeen iyagoona Daanyeer ugu yeerayay daafaca reer Senegal.

Koulibaly oo Baraha bulshada ugu soo jawaabay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Midabkiisa Madoow.

Kaarka Cas ayaa loo taagay Koulibaly ciyaartii xalay ka dhacday San Siro ee kooxdiisa Napoli looga adkaaday 1-0.

“Waan ka xumahay guul darrada iyo inaan garoonka uga tagay walaalahey,” Koulibaly ayaa sidaa yiri.

“Sikastaba waan ku faraxsanahay Midabkeyga Madoow iyo inaan ahay Fransiis, Senegal iyo laacib Napoli ka tirsan.”.

Ciyaartii xalay ayaa ahayd mid qalalaaso iyo cunsuriyad wadata oo waxaa xitaa geeriyooday taageere Inter Milan ah kaa oo uu baabuur ku jiiray bannaanka garoonka, waxaa jira xitaa taageerayaal kale oo dhaawacmay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles