(Milano) 27 Dis 2018. Taageerayaasha Inter Milan ayaa foolxumo iyo isir-faqooq kula kacay daafaca Napoli Kalidou Koulibaly kulankii Boxing Day ay xalay Inter ku badisay goolka madiga ah.
Kulanka ayaa ahaa mid xasaradiisu ay aad u kacsaneyd oo waxaa xitaa kaarka cas qaatay isla laacibka madoow ee reer Senegal iyo waliba Insigne oo kala tirsan Napoli.
Taageerayaasha Nerazzurri ayaa Daanyeer ku caayay daafaca Napoli, inkastuu Koulibaly is difaacay mar uu ku soo hadlay baraha bulshada isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay Midabkiisa Madowga ah ayaa waxaa misane garab istaagay weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.
“Had iyo jeer aqoon iyo xushmad ayaan u doonayaa nolosha iyo kubbada cagta,” Ronaldo ayaa sidaa ku yiri boggisa Istagram.
“Waan diidnay cunsuriyada ama dulmi kasta iyo isir Midab takoorka!!!.”
Gool FM.