(London) 09 Jan 2019. Arsenal ayaa aqbaar fiican helaysa ka hor kulankeeda Derby London ee kooxda West Ham kaddib markii ay tababarka buuxa dib ugu soo laabteen lix xiddig oo ka mid ah safka hore ee Kooxda.
Unai Emery ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo badan xilli ay Gunners dagaal ugu jirto sidii ay uga soo mid noqon lahayd afarta sare.
Mesut Ozil iyo Hector Bellerin ayaa ka mid ah xiddigaha ku soo laabtay tababarka buuxda isla markaana fursad u heysta kulanka Sabtida ee ka dhici doona London Stadium.
Gunners ayaa sidoo kale dib u heshay Laurent Koscielny, Shkodran Mustafi, Nacho Monreal iyo Dinos Mavropanos.
EEG SAWIRKA xiddigaha u soo laabtay Arsenal:
Gool FM.