Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Manchester United oo qarka u saaran saxiixeedii ugu horreeyay ee suuqa Bishan Janaayo

$
0
0

(Europe) 09 Jan 2019. Manchester United ayaa la warinayaa inay qarka u saaran tahay saxiixeedii ugu horreeyay ee suuqa bishan Janaayo kaddib markii la sheegay inay ku dhowdahay inay gacanta ku soo dhigto daafaca kooxda AS Roma Kostas Manolas.

United ayaa waayahaanba ku raad joogtay sidii ay u heli lahayd daafac mug leh oo xal u keena dhibaatada qeybta dambe ka heysata iyadoo si wayn lala xiriirinayay Toby Alderwiereld, Eder Militao, iyo Kalidou Koulibaly.

Laakiin, Marca ayaa iminka warineysa in ugu dambeyn uu Solskjaer helay daaficii uu waqtiga dheer sugayay maadaama ay qarka u saaran yihiin saxiixa Kostas Manolas.

 Roma failed to extend Manolas' contract, which includes a bargain £30.5m release clause

Roma ayaa ku guul darreysatay inay qandaraas cusub ka saxiixato 27-jirka reer Greek kaa oo beec jaban oo 30.5-milyan lagu bur burin karo qandaraaskiisa.

Daafaca heerka sare ayaa horey u qishay inuu u soo dhaqaaqayo koox wayn oo Yurub ah, iyadoona ay Old Trafford tahay meel ka mid ah bar-dhammaadkiisa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles