Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 10 Jan 2019. Waxaa dib u furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaa oo tixnaan doona ilaa 31-da bishan.

Haddaba waxaan sii anba qaadi doonaa inaan subax kasta idin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay ay wargeysyada ka qoraan Xanta suuqa iyo xiddigaha la doonayo.

Xiddiga qadka dhexe ee Arsenal iyo Wales Aaron Ramsey, 28-jir ayaa ogolaaday heshiis uu bisha June ugu biirayo kooxda Juventus.  (Guardian)

Atletico Madrid ayaa ku soo biirtay loolanka inay amaah kula soo saxiixato weeraryahanka Chelsea iyo Spain  Alvaro Morata, 26-jir. Morata ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo Sevilla(Goal)

Chelsea ayaa warbixin ku aadan Bayern Munich u gudbin doonta FIFA haddii ay ku helaan caddeyn ah inay si sharci darro ah ugu soo dhawaanayaan xiddigooda garabka weerarka Callum Hudson-Odoi, 18-jir kaa oo ka tirsan xulka 19-jirada England. (Mail)

Bayern Munich ayaa diyaarineysa inay Lambarka 10-aad u xirto Hudson-Odoi kaa uu banneyn doono Arjen Robben dhammaadka kal ciyaareedkan, waa haddii uu kooxda ku soo biiro. (Sun)

Real Madrid ayaa diyaarineysa inay Manchester United kula xifaaltanto daafaca reer Senegal ee Napoli Kalidou Koulibaly, 27-jir  iyadoo u bandhigeysa dalab 90-milyan ah. (Il Mattino, )

Waxaa la waayay xiisihii ay United u qabtay daafaca Fiorentina iyo xulka Serbia Nikola Milenkovic, 21-jir tan iyo sidii kooxda looga ceyriyay Jose Mourinho. (Sun)

Burnley ayaa 50-milyan duldhigtay daafaceeda reer England  James Tarkowski, 26-jir iyadoo ay jirto in Liverpool ay xiiseynayso inay amaah ku qaadato. (Sun)

Tottenham ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo daafaca reer Danish ee kooxda Sampdoria Joachim Andersen, 22-jir, haddii uu kooxda ka tago daafaceeda reer Belgium Toby Alderweireld, 29-jir. (Independent)

Manchester City ayaa dooneysa inay keensato xiddiga qadka dhexe ee West Ham iyo Republic of Ireland  Declan Rice, 19-jir iyadoo u aragta badelka waqtiga fog ee xiddigeeda reer Brazil ee Fernandinho, 33-jr. (Sun)

Macalinka Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa weeraryahanka reer England Marcus Rashford, 21-jir u sheegay inuu wayahay Weeraryahanka 1-aad ee kooxda. (Star)

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa heshiisyo la gaaray labo koox oo ka dhisan Spain sida uu sheegayo khabiirka ciyaaraha Yurub ee Guillem Balague, laakiin Blues uma ogolaan doonto 26-jirka inuu ka tago kooxda iyadoon la keenin badelkiisa. (BBC Radio 5 live In Short)

Madaxwaynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xiddigiisa qadka dhexe  Denis Suarez 25-jir u balan qaaday inuu ka tagi karo Nou Camp kaa oo bartilmaameed wayn u ah kooxda Arsenal(Marca)

Arsenal ayaa eeganeysa xiddiga qadka dhexe reer Mexico ee kooxda Porto Hector Herrera, 28-jir si ay beeca xorta ah ugu soo qaadato suuqa xagaaga maadaama ay baadi goob ugu jiraan badelka tooska ah ee 28-jirka reer Welsh Aaron Ramsey. (Tutto Mercato Web)

Arsenal ayaa macalinkeeda Unai Emery u ansixisay inuu bishan la soo saxiixan karo xiddiga garabka weerarka reer Belgium Yannick Carrasco, 24-jir kaa oo u ciyaara kooxda Dalian Yifang ee dalka Shiinaha. (Foot Mercato)

Arsenal ayaa ka shaqeysiisay qawaaniin ka mid ah heshiska daafaca reer Spain ee Nacho Monreal si ay kooxda ugu sii heystaan 32-jirka ilaa laga gaaro dhammaadka kal ciyaareedka soo socda. (ESPN)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles