Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Guardiola ayaa si uu u SABARSIIYO Macalinkii uu sida Xun Xalay u Xasuuqay u bandhigay inuu…..!!!

$
0
0

(England) 10 Jan 2019. Manchester City ayaa xalay 9-0 ku bahdishay kooxda Burton lugta hore ee afar dhammaadka Carabao Cup.

Tababare Pep Guardiola ayaa si uu u sabarsiiyo macalilnkii uu Xasuuqa u geystay Xalay ee Nigel Clough u bandhigay inay wada fasriistaan si ay qac uga siiyaan koob khamri ah oo nuuciisu yahay Spanish red.

Laakiin Nigel Clough ayaa qiray inuu u baahan yahay wax ka badan hal koob kaddib wixii xalay ku dhacay.

“Pep Guardiola wuxuu igu yiri inaan imaado si aan koob Wine ah qac uga siino. Wuxuu ii sheegay inuu hayo dhalooyin fiican oo nuuca Spanish red,” Tababaraha Burton ayaa sidaa yiri.

 Nigel Clough admitted he might need more than just a glass of win after Burton Albion's thrashing

“Waxaan rajeynayaa inay tahay wax ka badan hal koob. Badanaa lix gool ayay ka dhaliyaan kooxaha Premier League.

Nigel Clough oo sheegay goorta ay ku soo bilaabatay cabsida ah inay balaayo kala kulmi doonaan City ayaa yiri:

“Markii aan ka soo adkaanay Boro isla markaana la sameeyay isku aadka.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025