Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: 5-sano kaddib Cesc Fabregas oo ka tagay Chelsea….(Laacibka oo durba ka hadlay waxa uu u qabanayo kooxdiisa Cusub)

$
0
0

(England) 11 Jan 2019. Xiddiga qadka dhexe Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku biiray kooxda reer France ee Monaco isagoona qalinka ugu duugay heshiis saddex sano iyo bar ah.

31-jirka reer Spain ayaa kabtan u xirtay Blues ciyaartii FA Cup ay ka adkeedeen Nottingham Forest sabtidii waxaana la arkayay isagoo ilmeynaya kaddib mar uu macsalaameenayay taageerayaasha oo u sacbo tumayay.

2014-kii ayuu ku soo biiray kooxda reer London isagoona ka yimid Barcelona, 303 kulan ayuu sidoo kale u ciyaaray Arsenal sanadihii u dhexeeyay 2003 and 2011.

Related image

“Waa farxad wayn inaan ku biiro AS  Monaco, mashruuc Cusub ayuu ii yahay aniga,” Fabregas ayaa sidaa yiri.

“Waxaan halkan u joogaa inaan kooxda Caawiyo, Waxaan ka dhursugayaa inaan ku soo bilowdo. Aad ayaan u faraxsanahay.”.

Ku biirista Fabregas ee Monaco ayaa ka dhigan inuu dib ula midoobi doono saaxiibkii hore ee Arsenal Thierry Henry kaa oo Tababare u ah kooxda reer France.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles