(Manchester) 14 Jan 2019. Tan iyo sidii kooxda Manchester United looga ceyriyay Jose Mourinho isla markaana xilka si ku meel gaar ah loogu dhiibay Ole Gunnar Solskjær ma jiro laacib ka ciyaara Premier League oo ku lug leh goolal ka badan Paul Pogba.
Xiddiga reer France ayaa kubbad cajiib ah xalay farta ka saaray Rashford kaa oo isna si caqliyaysan u dhammeystiray.
Haddaba caawintaas ayaa ka dhigan in Pogba uu ku lug leeyahay goolasha ugu badan Premier League tan iyo sidii loo ceyriyay Mourinho.
Afar gool ayuu dhaliyay afarna wuu caawiyay.
8 – No player has been involved in more Premier League goals since Ole Gunnar Solskjær became caretaker manager at Manchester United than Paul Pogba (eight – four goals, four assists). Dangerous. #TOTMUN pic.twitter.com/yis6RJMtJj
— OptaJoe (@OptaJoe) January 13, 2019
Gool FM.