Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Dybala oo la hor-dhigay inuu kala Doorto xiddiga ay isku XULKA yihiin ee Messi iyo kan ay isku KOOXDA yihiin ee Ronaldo!!….(Yuu u Codeeyay??)

$
0
0

(Europe) 14 Jan 2019. Paulo Dybala ayaa la hor dhigay inuu kala doorto Xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi iyo kan ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo.

Dooda ah keebaa fiican kabtanka Argentina iyo Kabtanka Portugal waa mid ma dhammaato ah.

Labada laacib ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka min shan jeer oo iyagaa adduunka xoog ku heystay laga soo bilaabo 2008 ilaa 2017 iyadoo uu abaal marinta ugu dambeyn ka soo dhex galay Luka Modric.

Dybala ayaa diiday inuu midkood doorto isagoo sheegay inay labada laacib isku heer yihiin.

Cristiano Ronaldo vs Lionel Messi

“Qofkasta wuu ogyahay sida uu muhiim noogu yahay Cristiano Ronaldo iyo waxa uu sidoo kale uga dhigan yahay kooxaha naga soo horjeeda,” Dybala ayaa sidaa u sheegay Telefoot.

“Wax kasta ayuu bixiyaa haddii ay ahaan lahayd tababarka ama kulan ciyaareed, wuxuuna sidoo kale tusaale fiican u yahay da’yarta.

“Waxaan oran lahaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waa isku heer/level.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025