(London) 24 Jan 2019. Kooxda Chelsea ayaa la soo wareegtay Weeraryahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain kaasoo heshiis amaah ah oo inta ka harsan xilli ciyaareedkan ku joogi doona gegada Stamford Bridge.
Dhaliyahan 31-sano jirka ah ayaa soo afjaray heshiiskii amaahda uu ku joogay kooxda Milan si uu Juvenutus oo milkiyaddiisa leh uga soo tago uguna soo biiro Blues.
Chelsea waxa ay Gonzalo Higuain u xirtay lambarka inkaaran ee 9-aad, kaasoo xiddigihii horay ugu soo xirtay Blues ay ku fashilmeen intooda badan.
Kaddib markii ay Chelsea u gacan galisay Gonzalo Higuain lambarka 9-aad, waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa xiddigaha lamarkan 9-aad horay ugu soo xirtay Blues.
Ka hor Gonzalo Higuain waxaa kooxda Chelsea horay ugu soo xirtay lambarkaan habaaran ee 9-aad siddeed ciyaaryahan, weeraryahanka reer Argenina ayaana noqonaya xiddigii 9-aad ee lambarkan u xirta kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London.
Xiddigii ugu dambeeyey ee Blues u xirta lambarkaan 9-aad waxa uu ahaa Alvaro Morata, kaasoo markii dambe isaga guuray, qaatayna lambarka 29-aad.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Higuain Lambarka 9-aad ee Chelsea maka saari doonaa habaarka heysta?.
Haddaba ka hor Higuain halkaan hoose ka eeg xiddigaha lambarka 9-aad horay ugu soo xirtay Blues iyo sidii ay ugu kala horreeyeen:-
1- Mateja Kezman
2- Hernan Crespo
3- Khalid Boulahrouz
4- Steve Sidwell
5- Franco Di Santo
6- Fernando Torres
7- Radamel Falcao
8- Alvaro Morata
Gool FM.