(London) 24 Jan 2019. Chelsea ayaa ciyaar ay u qalantay ugu soo baxday Final ka Carabao-Cup kaddib markii ay Rigoorayaal 4-2 uga adkaatay kooxda Tottenham.
Blues ayaa waqtigii loogu tala galay ciyaarta ku adkaatay 2-1 balse Rigoorayaal ayaa la isla aaday maadaama ay Tottenham lugtii hore ku soo adkaatay 1-0.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala natay 2-0 oo ay ku hogaamineyso Chelsea oo ciyaarta sidey doonto u maamulaneysay.
N’Golo Kante ayaa laad kulul ugu daah furay Chelsea daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta kubbad uu ka toogtay diilinta ganaaxa meel ku dhow.
Eden Hazard ayaa dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta kubbad uu isaga uun ka shaqeeyay isagoona cag dhinac ka dhigay goolhayaha meel uusan gaari karin. Blues ayaana sameysay fursado kale oo dhowr ah qeybta hore.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta bilowgeedii Tottenham ayaa gool ka heshay joog dheeraheeda Fernando Llorente oo Madaxa ku hubsaday kubbad uu dhinac si dhaqsi leh uga soo qaaday Daafaca Rose.
Waxaa si toos ah loo aaday Rigoorayaal waxayna guusha ku raacday kooxda Chelsea.
Blues ayaa Finalka la ciyaari doonta kooxda Manchester City.
SAWIRRO:
Gool FM.