Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Messi oo soo diray FARIIN Damqasho leh kaddib Markii ay Boolisku joojiyeen Baadi-goobka loogu jiray Laacibka Premier League ee NOLOSHA iyo GEERIDA lagu la’yahay

$
0
0

(Europe) 25 Jan 2019. Booliskii iyo Kabtanada badda ee ku howlanaa sidii NOLOL ama GEERI loogu heli lahaa Saxiixa Cusub ee Cardiff Emiliano Sala ayaa gabi ahaan joojiyay howshii baaritaanada iyagoona ka dhawaajiyay inaysan jirin wax rajo ah oo lagu heli karo laacibka ama Rikaabka kale ee Diyaarada saarnaa iyadoona wixii kolkaan ka dambeeya loo qaadanayo inay wada Geeriyoodeen.

Laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxda Cardiff City 15-milyan oo bound ayaa la la waayay Saacad uun kaddib markii ay Isniintii ka soo duuleen Garoonka Nantes ee dalka Faransiiska iyadoona loo maleenayo inuu Geeriyooday isaga iyo intii Safarka ku wehlisay kaddib markii Diyaarada ay saarnaayeen lagu waayay English Channel oo ah Biyo kala sooca Koonfurta England iyo Koonfurta Faransiiska.

Lionel Messi ayaa boggiisa Instagram soo dhigay Fariin Damqasho leh isagoona Booliska ka baryay inay sii wadaan baadi goobka loogu jiro Sala.

Image result for Lionel Messi and Emiliano Sala“Inta ay weli jirto Suurogalnimo, Rajo yar, Waxaan fadlan idin waydiisaneynaa inaad sii wadaan baadi goobka Emiliano Sala.

“Waxaan awoodeyda iyo taageeradeeda u dirayaa Qoyskiisa iyo Saaxiibadiisa. U Duceeya Sala.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles