(Europe) 26 Jan 2019. Maalmo aad u yar ayaa ka harsan inuu xirmo suuqa kala iibsiga ee Bisha Janaayo.
Ilaa iminka dhaq-dhaqyo xoogan ayaa ka jira suuqa iyadoo kooxaha ay la soo wareegeen xiddigo Cusub halka kuwa kalena ay ku raad joogaan
Haddaba waxaan sii anba qaadi doonaa inaan subax kasta idin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay ay wargeysyada ka qoraan Xanta suuqa iyo xiddigaha la doonayo.
Arsenal ayaa furtay wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee PSG Christopher Nkunku, kaa oo ay doonayaan inay badel uga dhigaan Aaron Ramsey. (Sun)
Manchester United ayaa laga soo diiday dalab ay u gudbisay Fiorentina kaa oo ku aadan daafaceeda Nikola Milenkovic. (Daily Star)
Tottenahm ayaa ugu dameyn diyaar u ah inay soo gasho suuqa iyadoo 20 milyan ugu dhaqaaqeysa xiddiga qadka dhexe Fransiiska ee PSG Adrien Rabiot, 23-jir. (Sun)
Real Betis ayaa lagu wadaa inay inay la soo saxiixato daafaca garabka midig ee reer Brazil Emerson 20-jir iyadoo soo afjareysa rajada Liverpool iyo Arsenal. (Marca)
Arsenal ayaa weli ku rajo wayn inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Denis Suarez, balse waa la joojiyay wada hadalada laacibka reer Spain. (Evening Standard)
Arsenal iyo West Ham ayaa xiiseynaya xiddiga qadka dhexe reer Spain ee kooxda Villarreal Pablo Fornals, 22-jir. (Sport,
Xiddiga bartilmaameedka u ah Liverpool ee Timo Werner, 22-jir ayaa loo labo laabi karaa mushaarkiisa iminka ee kooxda RB Leipzig, si ay isaga difaacaan xiisaha uga imaanaya Reds ee ku aadan weeraryahankooda reer Germany. (Liverpool Echo)
Kooxda reer Mexico Club America ayaa xiiseynaysa xiddiga garabka kaga ciyaara Liverpool ee reer SerbiaLazar Markovic, 24-jir. (ESPN,
Xiddiga qadka dhexe reer Argentina ee naadiga Zenit St Petersburg Leandro Paredes, 24-jir ayaa qodobo kala heshiiyay kooxda PSG . (RMC Sport)
AC Milan ayaa weli ku rajo wayn saxiixa xiddiga garabka weerarka kaga ciyaara Dalian Yifang ee Yannick Carrasco. Laacibkii hore ee Atletico Madrid iyo xulka qaranka Belgium 25-jir ayaa doonaya inuu u soo dhaqaaqo kooxda reer Talyaani.. (Calciomercato)
Gool FM.