(London) 26 Jan 2019. Laurent Koscielny ayaana loo qaaday isbitaal kadib markii uu daanka dillaacay, sababa la xiriira in uu Romelu Lukaku kaga istaagay dhanka madaxa.
Difaaca heerka caalami ee reer France Laurent Koscielny oo dhawaan dib ugu soo laabtay garoomada kadib mudo fog uu garoomada dhaawac dhanka jilibka ah kaga maqnaa ayuu markale soo gaaray dhaawacan qeybta labaad ee ciyaarta, waxaana daqiiqadii 64-aad lagu badalay Matteo Guendouzi.
Laurent Koscielny ayaa la kulmay dhawac inta lagu gudi jiray ciyaartii xalay wareega 4-aad ee koobka FA Cup-ka ay ku wada ciyaareen kooxha Arsenal iyo Manchester United Emirates Stadium.
Waayeelka kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa looga shakisan yahay inuu ka jabay midkood goonka ama daanka, kadib markii uu si kam ah ugu istaagay weeraryahanka reer Belgiam ee Romelu Lukaku.
Si kastaba Manchester United ayaa xalay guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Arsenal kulankii koobka FA Cup-ka, kadib markii ay ku xaaqeen 3-1, waxayna u gudbeen wareega SHANAAD ee tartankan, halka ay Gunners gabi ahaanba tartankan macsalaameysay.
Gool FM.