Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Manchester City oo Miirka ka Ceshatay Burnley…+SAWIRRO

$
0
0

(England) 26 Jan 2019. Manchester City ayaa si xarago leh ugu soo gudubtay wareega 5-aad ee FA Cup kaddib markii ay 5-0 u dhiibeen Burnley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Gabriel Jesus ayaa goolka ugu daah furay City daqiiqadii 23-aad kubbad uu si fiican u xirfadeystay dabadeedna darbo kulul uu goolhayaha qaban waayay shabaqa dhex dhigay.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Bernardo Silva ayaa goolka labaad dhaliyay kubbad uu diilinta ganaaxa gudaheeda lug bidix ah uga laaday.
Kevin De Bruyne ayaa shabaqa ku hubsaday goolka saddexaad kubbad uu meel fog ka soo toogtay daqiiqadii 61-aad.
De Bruyne ayaa kubbad kulul uu afka hore ee goolka soo dhigay ayaa waxaa iska dhaliyay 
Kevin Long daqiiqadii 73-aad.
Sergio Aguero oo badel ku yimid ayaa goolka shanaad ku soo xiray daqiiqadii 85-aad kubbad Rigoore ahayd.
DAAWO SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles