(Europe) 26 Jan 2019. Arsenal ayaa dooneysa inay Bishan Janaayo soo qaadato xiddiga reer Croatia ee qadka dhexe weerarka kaga ciyaara naadiga Inter Milan ee Ivan Perisic.
BBC Sport ayaa fahansan in Gunners ay kooxda reer Talyaani u gudbisay dalab Amaah ah inta ka harsan kal ciyaareedka ay kaga soo qaadaneyso laacibkooda Persic taa oo leh aragtida inay 35-milyan si joogta ah kula saxiixanayaan marka uu dhammaado kal ciyaareedka.
29-jirka ayaa xulkiisa Croatia ka caawiyay inay markii ugu horreysay taariikhda soo gaaraan Final ka Koobka adduunka iyagoona guul darro 4-2 kala kulmay Faransiiska oo koobka qaaday.
Haddaba The Sun ayaa durba soo jeedisay sida ay u muuqan karto SHAXDA Arsenal haddii ay la soo saxiixdaan Ivan Perisic
Gool FM.