(Europe) 26 Jan 2019. Booliska iyo Kabtanada badda ee ku howlanaa sidii NOLOL ama GEERI loogu heli lahaa Saxiixa Cusub ee Cardiff Emiliano Sala ayaa gabi ahaan joojiyay howshii baaritaanada iyagoona ka dhawaajiyay inaysan jirin wax rajo ah oo lagu heli karo laacibka ama Rikaabka kale ee Diyaarada saarnaa iyadoona wixii kolkaan ka dambeeya loo qaadanayo inay wada Geeriyoodeen.
Laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxda Cardiff City 15-milyan oo bound ayaa la la waayay Saacad uun kaddib markii ay Isniintii ka soo duuleen Garoonka Nantes ee dalka Faransiiska iyadoona loo maleenayo inuu Geeriyooday isaga iyo intii Safarka ku wehlisay kaddib markii Diyaarada ay saarnaayeen lagu waayay English Channel oo ah Biyo kala sooca Koonfurta England iyo Koonfurta Faransiiska.
Laakiin baadi Goobka loogu jiro Sala iyo rikaabka kale ayaa dib loo amba qaadayaa kaddib markii Lionel Messi iyo Ciyaartoy kale ay iska soo ururiyeen lacago dhan 130,000 oo bound si loogu fuliyo howl-galka lagu raadinayo saxiixa Cusub ee Cardiff.
Kabtanka Barca, Xiddiga Manchester City Ilkay Gundogan, Tababaraha Nantes Vahid Halilhodzic, Laacibka Garabka kaga ciyaara Leicester City Demarai Gray Xiddiga Bayern Munich Corentin Tolisso ayaa ka mid ah Magacyada waa wayn ee ka qeyb qaatay Mashruuca dib loogu raadinayo laacibka reer Argentina ee dhowrka maalmood lagu la’yahay Nolol iyo Geeriba.
Gool FM.`