(Milano) 27 Jan 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inay la soo wareegtay difaaca Southampton ee Cedric Soares.
Inter ayaa difaacan kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan uu kooxda reer Talyaani kula sii joogi doono iyagoo dooq u haysta inay wada iibsan karaan haddii uu anfaco.
Kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka ayuu Cedric saxiixay qandaraaska cusub ee Inter Milan, waxaana lagu taagay Maaliyadda lambarka 21-aad.
Waxa uu Cedric Soares kooxda Southampton oo milkiyaddiisa leh kaga soo biiray naadiga Porto markaasoo lagu soo iibsaday 7 milyan oo Euro.
27-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkan naadiga Saints lagu naanayso u saftay 22-kulan isagoo u dhaliyey hal gool, isla markaana u sameeyey labo caawin.
Che numero di maglia avrà scelto @OficialCedric?
Scopriamolo insieme!
#WelcomeCedric pic.twitter.com/Yf9a90GG0Y
— Inter (@Inter) January 26, 2019
Gool FM.