(Europe) 26 Jan 2019. Maalmo aad u yar ayaa ka harsan inuu xirmo suuqa kala iibsiga ee Bisha Janaayo.
Ilaa iminka dhaq-dhaqyo xoogan ayaa ka jira suuqa iyadoo kooxaha ay la soo wareegeen xiddigo Cusub halka kuwa kalena ay ku raad joogaan
Haddaba waxaan sii anba qaadi doonaa inaan subax kasta idin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay ay wargeysyada ka qoraan Xanta suuqa iyo xiddigaha la doonayo.
Bayern Munich ayaa lagu wadaa inay dalab 40-milyan ka gudbiso xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi, naadiga RB Leipzig ayaa sidoo kale xiiseynaysa 18-jirka garabka weerarka ka ciyaara. (Mail on Sunday)
Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa maanta Tijaabada Caafimaad u maraya Atletico Madrid ka hor inta uusan dhammeystirin heshiiska amaahda ah uu ugu dhaqaaqayo. (Sky Sports)
Xiddiga Chelsea Eden Hazard 28-jirka yaa martilmaameed sare u ah Real Madrid suuqa xagaaga kaddib markii ay kooxda xafidaneysa Champions League soo afjareen qorshahooda ku aadanaa inay la soo saxiixdaan xiddiga qadka dhexe reer Danish ee kooxda Tottenham Christian Eriksen, 26-jir. (AS)
Manchester United ayaa waydiisatay PSV Eindhoven inay ku soo war galiyaan qorshe kasta ay ku iibinayaan xiddiga garabka weerarka reer Holland Steven Bergwijn kaddib markii ay Bayern Munich ku soo biirtay tartanka lagu doonayo 21-jirka. (Sunday Mirror)
Arsenal ayaa dooneysa Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Barcelona Malcom 21-jir, waxayna rajeynayaan inay heshiiska gaaraan ka hor maalinka kama dambeysta ee Suuqa kala iibisga Khamiista.(Sun)
Gunners ayaa sidoo kale eeganeysa inay u dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe reer Spain ee kooxda Villarreal Pablo Fornals, 22-jir. (Sport
Rabitaanka inuu qandaraas Cusub saxiixo Daafaca Manchester City Vincent Kompany ayaa waxaa adkeenaya wal-walka weli ka jira taam ahaanshaha jir ahaaneed ee 32-jirka reer Belgium. (Sunday Mirror)
Naadiga Monaco ayaa doorkeeda Agaasimaha Ciyaaaha kooxda ka Ceyriysay agaasimihii hore ee Farsamada Chelsea Michael Emenalo, 53-jir maalin uun kaddib markii xilka tababaranimo ee kooxda laga xayuubiyay Thierry Henry. (Mail on Sunday)
Gool FM.