Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Alvaro Morata oo MAANTA Tijaabada Caafimaad u maraya…….

$
0
0

(Europe) 26 Jan 2019. Dhaliyaha reer Spain ee kooxda Chelsea Alvaro Morata ayaa lagu wadaa inuu Maanta Tijaabada Caafimaad u maro kooxda Atletico Madrid ee ka ciyaarta La Liga.

Sida lagu sheegay ilo wareedyo uu helay Sky Sport, Morata ayaa Maanta Tijaabada Caafimaad u maraya Atletico ka hor inta uusan dhammeystirin heshiiska Amaahda uu ugu biirayo kooxda ka dhisan Madrid.

Image result for Alvaro Morata Atletico Madrid

Tababare Sarri ayaa aad u doonayay inuu kooxda ka diro Morata isagoona weerarka u doorbidayay inuu ka ciyaarsiiyo Eden Hazard.

Yeelkeede, heshiiska lagu iibinayo dhaliyihii hore ee Real Madrid ayaa imaanaya kaddib markii uu Chelsea amaah ugu yimid weeraryahanka Juventus ee Gonzalo Higuain.

Morata ayaa haddaba Atletico Madrid kula biiraya weeraryahankii hore ee Chelsea Diego Costa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025