(London) 28 Jan 2019. Waxaa baraha Bulshada ka soo muuqday Sawirro u muuqda in Willian iyo Saxiixa Cusub ee Chelsea Gonzalo Higuain ay ku doodayaan cidda tuureysa Rigoore loo dhigay Blues ciyaartii ay xalay 3-0 uga adkaatay kooxda Sheffield Wednesday kaa oo ay ugu soo gudbtay wareega 5-aad ee FA Cup.
Balse ciyaarta kaddib Timo wayanaha reer Brazil oo dhaliyay labo ka mid ah goolasha kooxdiisa ayaa daaha ka rogay wixii dhex maray isaga iyo xiddiga reer Argentina.
Willian ayaa markii Rigoorada la helay u bandhigay Higuain inuu isaga tuuro si uu u dhaliyo goolkiisii ugu horreeyay kooxda maadaama uu safanayo kulankiisii ugu horreeyay balse laacibkii hore ee Real Madrid ayaa uga mahad celiyay balse u sheegay inuu isaga tuuro.
Chelsea TV oo waydiisay Willian haddii uu Higuain waydiistay kubbada si uu Rigoorada u tuuro wuxuuna ku jawaabay:
“Maya, aniga ayaa doonayay inaan kubbada siiyo.
“Wuxuuna igu yiri adiga tuur, Haa waxaan doonayay inuu maanta dhaliyo goolkiisii ugu horreeyay, balse goor dhow ayay imaan doonaan.”.
SAWIRRO:
Gool FM.