Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waxaan ahay No.9, laakiin waxaan leeyahay Ruuxda No.10”.- Karim Benzema

$
0
0

(Madrid) 28 Jan 2019. Real Madrid ayaa xalay Ciyaar xiiso lahayd 4-2 uga adkaatay kooxda Espanyol kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Xiddiga ciyaarta waxaa ahaa Karim Benzema oo goolna dhaliyay kuwana caawiyay.

Laacibka oo ciyaarta kaddib ka hadlay booskiisa iyo inuu yahay weeraryahan dhexe oo ka duwan kawa kale ayaa yiri:

“Ma garanayo haddii uu kan ahaa kulankeygii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedka.

“Kulankasta waxaan doonayaa inaan wax badan sameeyo isla markaana ay waxyaabo fiican ka dhacaan kulanka, anigoo sidoo kale goolal dhalinaya, caawinaya isla markaana wax kasta sameynaya.

“Dadku waxay waydiiyaan Weeraryahanka inuu Goolal dhaliyo, laakiin waxaan aaminsanahay inaan ahay No.9 kaa oo leh Ruuxda No.10.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles