(Muqdisho) 28 Jan 2019. Xiriirka Kubbada cagta dalka Eritrea ayaa ka soo jawaabay Codsi ka soo gaaray dhigiisa Soomaaliya kaa oo ku aadan Kulan Saaxiibtinimo ay ku yeelanayaan Muqdisho, isagoona Xaqiijiyay inuu kulanka dhici doono.
Eritrea ayaa u aragta mid muhiim iyo hor mar ah fikirka uu soo ikhtiraacay xiriirka kubbada Cagta Soomaaliya iyagoona u arka in kulanku uu caawin doono xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Xiriirka dalka aan dariska nahay ayaa iminka xaqiijyay in Xulka 20-jiradooda iyo kan Soomaaliya ay kulan Saaxiibtinimo ku yeelan doonaan Muqdisho waqti u dhexeeya 14 ilaa 17-da bisha Feebaraayo ee sanadkan 2019.
Weli lama xaqiijin garoonka ay ciyaartu ka dhici doonto, Waxaysa u badan tahay midkood Koonis ama Muqdisho Stadium uu iminkaba Dayactir ka socod.
Gool FM.