Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Sarri oo Shaqaalaha kooxda bannaanka isaga saaray isagoona Qolka hal saacadood iskula xiray……….

$
0
0

(England) 31 Jan 2019. Tababare Maurizio Sarri ayaa shaqaalaha kooxda bannaanka isaga saaray isagoona hal saac qol iskula xiray xiddigaha kooxda kaddib guul daradii lama filaanka ahayd ee xalay ka soo gaartay Bournemouth oo 4-gool ka dhalisay qeybta labaad ee ciyaarta.

Macalinka reer Talyaani ayaa waxaa durba khatar soo wajahay waayihiisa Blues iyadoo ay guul darrooyinka u dheertahay dhaleeceyn uu si shaacsan u hubiyo ciyaartoyda kooxda.

“Waqti xaadirkan waxaan doonay inaan kaligey la hadlo iyaga, iyadoon cidkale nala joogin, sida aan horey u iri, waxaan doonayaa inaan fahmo. Suuro gal ma ahan inaan sidan kala duwan u ciyaarno inta u dhaxeysa qeybta hore iyo qeybta dambe ee ciyaarta, ma fahmin sababta,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Waxaan doonayaa inaan markale isku dayo berito maxaa yeelay waxaan dooneynaa inaan dhibaatada xalino.

“Waa inaan Raali galinaa taageerayaasheena. waan guul darreysan karnaa dabcan kulan kasta laakiin sidan maaha, waxaan u baahanahay inaan xalino dhibaatada, waxaan u baahanahay inaan fahanno halka ay dhibaatadu ka jirto.

“Way adag tahay in la fahmo  bandhiga, si fiican ayaan u ciyaarnay qeybta hore, laakiin qeybta dambe waxaa naga dhashay gool labo daqiiiqo kaddibna waxaan joojinay inaay ciyaarno, weerar ahaan iyo daafac ahaanba, koox ahaan uma ciyaareyn ee shaqsi ahaan ayaan u ciyaareynay.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles