Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Manchester United oo heshiis Cusub ka saxiixatay Anthony Martial…(Imise ayuu Mushaar ahaan u qaadanayaa?)

$
0
0

(England) 31 Jan 2019 Manchester United ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay heshiis Cusub ka saxiixato Weeraryahankeeda Anthony Martial.

Qandaraaska Cusub uu laacibka reer France la galay Red Devils ayaa ka dhici doona 2024 isagoona usbuuciiba mushaar ahaan u qaadan doona adduun dhan 250,000 oo bound.

Wada hadalada heshiis kordhinta ayaa socday bilooyin, Martial ayaana diiday dalab kaga yimid kooxdiisa bishii Oktoober, balse United ayaa iminka ku guuleysatay inay heshiis la gaarto.

Martial ayaa kal ciyaareedkan muhiim u noqday macalinkii la ceyriyay ee Mourinho iyo midka hadda jooga ee Solskjaer, wuxuu Man United ka soo muuqday 22-kulan 24-kii kulan ay ciyaartay horyaalka (18 kulan waa lagu soo bilaabay) wuxuuna dhaliyay sideed gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles