Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo iyo Messi oo is haya Xilli Ciyaareedkan

$
0
0

(Europe) 16 Feb 2019. Luka Modric ayaa markii ugu horreysay 10-sano kaddib soo kala dhex galay Ronaldo iyo Messi isagoona ka dhex dafay abaal marinta Ballon d’Or ee laacibka ugu fiican adduunka.

Yeelkeede, labada xiddig ayaa iminka u muuqda in sanadkan aan laga soo dhex gali karin abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka.

Messi iyo Ronaldo ayaa ah labada laacib ee ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub xilli ciyaareedkan.

Ku darso labadooda ayaa sidoo kale ah labada xiddig ee sameeyay Caawinta ugu badan horyaalkada ugu waa wayn ee Qaarada Yurub.

Ronaldo ayaa horyaalka Serie A ka dhaliyay 19-gool isagoona caawiyay 8-gool , halka uu Messi La Liga ka dhaliyay 21-gool isla markaana uu caawiyay 10-gool.

MESSI vs RONALDO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles