(Europe) 16 Feb 2019. Da’yarka Nicolo Zaniolo ee guusha u horseeday AS Roma kulankii dhawaa ay 2-1 uga adkaadeen FC Porto lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ayaa waxay qoorta iskula jiraan hooyadii oo Sawirro shidan soo dhigta baraha Bulshada.
Francesca Costa oo 41-jir ah ayaa taageerayaal badan ku leh baraha bulshada balse wiilkeeda 19-jirka ah uma riyaaqsana sawirrada ay hooyadii soo dhigeyso Instagram ka.
“Jooji Hooyo, Maxaad ku sameynaysaa afkaaga? Waxaad tahay 40-jir,” Zaiolo ayaa Comment-gan ka soo bixiyay mid ka mid ah Sawirrada ay Hooyadiis soo dhigtay Baraha Bulshada sida uu warinayo warsidaha Corriere dello Sport.
Zaniolo oo badel ku soo galay qeybta labaad ee ciyaartii dhaweyd ee Champions League ayaa ka fujiyay kooxdiisa Roma kaddib markii uu u dhaliyay labo gool oo deg deg ah.
Dad badan ayaa da’yarka u arka kii dhexli lahaa booska rugcadaagii Roma Francesco Totti.
Gool FM.