Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kepa oo u faanay Caballero, waxaana suuro gal ah in Keydka la dhigo kulanka caawa ee Tottenham

$
0
0

(London) 27 Feb 2019.  Kepa ayaa keydka lagu cabi karaa kulanka caawa ay Chelsea ku wajihi doonto Tottenham tartanka Premier League.

Goolhayaha reer Spain ayaa amar diido cad sameeyay Final kii Caraboa Cup kaddib markii uu diiday badel loo taagay isagoona dhammeystay ciyaarta, waxaana taa dheer in Kepa uu Willy Caballero ugu faanay inuu ka fiican yahay isla markaana uu yahay Goolhayaha koowaad ee kooxda.

Kooxda ayaa shalay ku ganaaxday in laga jaro hal usbuuc oo mushaarkiisa ah.

Yeelkeede, waxaa suuro gal ah in keydka loo dhaa dhiciyo kulanka caawa ee Spurs.

 Willy Caballero was left fuming after Kepa told him he was the better keeper

“Waxay noqon doontaa go’aan u fiican kooxda, ciyaartoyda kale iyo dhammaan ciyaartoyda,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Waa inuu diyaar noqdo Kepa, qalad ayuu sameeyay, qalad wayn, waxaa jiri doona cawaaqib.

“Haddii ay cawaaqibta noqoto inuu ciyaaro, waa inuu diyaar u noqdo inuu ciyaaro, haddii ay noqotana in keydka la dhigo, waa inuu diyaar u noqdo inuu keydka fariisto.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles