Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Bal ka waran haddii aan dabaal degan sameyn lahaa anigoo Mourinho ah maxaa dhici lahaa!!??

$
0
0

(Europe) 27 Feb 2019. Jose Mourinho ayaa aaminsan inaan si sahlan lagu dhaafi lahayn haddii uu sameyn lahaa anshax xumadii ay dhawaan ku kaceen tababarayaasha Atletico Madrid iyo Tottenham Diego Simeone iyo Mauricio Pochettino.

Macalinka Atletico ayaa xaniinyaha qabsday mar uu u dabaal degayay gool ay kooxdiisu ka dhaliysay Juventus tartanka Champions League isagoona qirtay gafkiisa halka tababarah Tottenham uu furka ku tuuray oo sanka sanka u saaray Garsoore Mike Dean kaddib guul daradii ka soo gaartay Burnley.

“Bal suureyso haddii aan sameyn lahaa wixii uu sameeyay Diego Simeone,” Jose ayaa sidaa yiri.

“Ma suureysan kartaan waxa dhici lahaa haddii aan sidaa sameeyo, laakiin waan faraxsanahay isagu waa sidaa uun.

“Ma sawiran kartaa cawaaqibta ka dhalan lahayd haddii aan sameyn lahaa wixii uu sameeyay Mauricio Pochettino”.

Macalinka reer Portugal ayaa la waydiiyay haddii isaga loola dhaqmi jiray si ka duwan tababarayaasha kale ayaa ku jawaabay:

“Haa, ma aqaano sababta”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles