(Saudi Arabia) 20 Maarso 2019. Laacibkii hore ee kooxaha Premier League Tottenham, West Ham, Wigan iyo Middlesbrough iyo waliba xulka qaranka Masar Ahmed Hossam Hussein Abdelhami ee loo garan og yahay Mido ayaa wajahaya in lagu Jeedaleeyo dalka Sacuudi Carabiya kaddib markii uu aflagaadeeyay taageere.
Mido oo sidoo kale horey ugu soo ciyaaray kooxaha AS Roma iyo Ajax ayaa loo sheegay inuu isaga dago xilka tababaranimo ee naadiga Al-Wehda.
“Fadlan isaga tag xilka tababaranimo ee Al Wehda, waan fahansanahay habkaaga tababaranimo, laakiin ma ahan mid wax caawineysa, waxaa kuu fiican inaad isaga laabato howshaada falanqeynta ciyaaraha, erayadaadu way fiican yihiin, laakiin tababare ahaan aad uma fiicnid,”. Taageere ayaa sidaa baraha bulshada ugu soo qoray Mido.
Balse laacibkii hore ee Spurs ayaa bixiyay jawaab anshax xumo ah:
“War orodoo u galmoo habaryartaa hooyadeed.”.
Sacuudiga ayaa aad uga soo horjeeda aflagaadada ceynkan oo kale ah sharciga u yaala ayaana ah in dadka hortiisa lagu jeedaleeyo qofkii falkaas ku kaca.
Yeelkeede, Mido ayaa inkirsan inuu falkaasi ku kacay oo wuxuu ku andacoonayaa in la jabsaday bartiisa Twitter ka isla markaana lagu soo qoray aflagaadadaas wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arrinkaa:
“Waan tixgalinayaa go’aanka maamulka, laakiin akoonkeyga waa la jabsaday, waxaan isticmaali doonaa agabkeyga sharci oo idil si aan midaa u caddeeyo.”.
Gool FM.