(Spain) 21 Maarso 2019. Lionel Messi ayaa saddexleey ka xareeyay Real Betis ciyaartii ay axadkii afarta gool uga adkaadeen.
Taageerayaasha Real Betis ayaa xitaa u saro kacay Messi kaddib gool caaqibo leh uu ku soo xiray saddexdiisa gool.
Waxaas sheekadaa oo dhan ka yaab badan in Farshaxamiiste uu 6-sano ka hor saadaaliyay in Messi uu wacdarahan ku dhigi doono kooxdan xiran maaliyada cagaarka iyo caddaanka.
Farshaxamiiste Suhas Nahian ayaa lix sano ka hor sawiray Messi oo dhex jeexay dhowr ciyaaryahan oo Real Betis ah, hayeeshee laacibka reer Argentina ayaa dhab ka dhigay riyada Farshaxamiistaha isagoona sameeyay waxa ka muuqda isla sawirkaas 6-sano jirka ah.
“Waxbaan iska sawiray lix sano ka hor, ninka kubbada cagta looga heebeysto ayaana habeen hore sawirka ka dhigay mid run ah,”. Farshaxamiiste Suhas ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter ka.
Haddaba EEG labada Sawir:
Gool FM.